Maxaa ka jira in Maayarka cusub ee Burco uu ku dhacay hoolkii lagu doortay - BBC News Somali (original) (raw)
Xigashada Sawirka, X
Qoraalka sawirka, Maayarka cusub ee Burco
16 Disembar 2023
Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa sheegaya in maayarka cusub ee magaalada Burco uu maanta ku dhacay gudaha hoolkii lagu doortay.
Maxamed Xirsi Axmed (Wacays) oo ah maayarka cusub ee la doortay ayey arrintaas la soo deristay, sida ay BBC ka soo xigatay dad goob joogeyaal ah, in yar ka dib markii uu jeediyey khudbaddii uu ugu tala galay guushiisa.
"Maayirku markii uu dhameeyey khudbadii uu jeedin lahaa, ee uu jeediyey isagoo fadhiya ayuu damacay inuu kaco, lakinse kursigii uu ku fadhiyey ayuu gadaal ugu dhacay” ayuu yiri goob joogahaas.
Wararka qaar waxay sheegayaan inuu maayarku uu muddo yar miyir doorsoomay, waxayna intaa ku dareen in loo qaaday maayarka xarun caafimaad si wax looga ogaado dhibaatada la soo deristay, laakinse waxay sheegeen dadkii ay BBC la xiriirtay in aan wax cudur ah ama xanuun ah laga helin.
Maayar Wacays ayaa dib loogu soo celiyey hoygiisa, halkaasoo uu ku nasanayo. Wuxu maayarka cusub ka gaabsaday inuu hadal siiyo warbaahinta, wuxuuse sheegay inuu maalmaha soo socda hadli doono.
Arrintan la xiriirta maayarka inuu hoolka gudihiisa ku dhacay ayaa ah mid aan looga baran Burco, ayadoo maayarka cusubna la sheegay in uusan lahayn taariikh caafimaad oo daran.
Suldaan Jaamac Nuux oo ah maayar ku xigeenka cusub ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaaladda caafimaad ee maayarka aysan ahayn sida loo dhigay, "balse uu yara daallan yahay maadaama uu soo galay olole culus”.
Xigashada Sawirka, MM Somali TV
Arrintan ayaa timid in yar ka dib markii golaha deegaanka ee Burco oo ka kooban 13 xubnood uu cod u qaaday doorashada duqa magaalada oo muddo uu goluhu ku kala qaybsanaa, waxaana Maxamed Xirsi Axmed (Wacays) lagu doortay cod 7 iyo 6 kala ah.
Waxaa goobta fadhiyey barasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdullaahi Nafaqo iyo taliyaha booliska sida uu nidaamku dhigayo.
Doorashadan ayaa ah tii ugu horraysay ee ka dhacda deegaannada Somaliland tan iyo markii dib loo fasaxay inay golayaasha deegaannadu dooran karaan maayarka, taasoo in muddo ah aan dhici jirin.
Waxaa jira golayaal kale oo ah kuwa deegaannada oo iyaguna isu diyaarinaya doorashada maayarka, waxaana dhaqdhaqaaq xoog leh uu hadda ka dhex socdaa golaha deegaanka Gabiley oo sida wararku ay sheegayaan la filayo in maalmaha soo socda ay u fariisan doonaan doorashada maayarka oo xiisaheeda aad loo dareemayo.
Dadka yaqaanna Maxamed Xirsi Axmed (Wacays) waxay ku tilmaameen inuu yahay nin afgaaban, aan balwad lahayn, ehlu diin ah, qun yar socodna ah. Waxaa kale oo dadka yaqaanna ay BBC u sheegeen in maayirka cusub uu yahay qurbajoog dhowr sano dalka gudihiisa ku noolaa, kaasoo ka soo gurya noqday dalka Sweden oo uu in muddo ah degganaa.
Maxamed Xirsi Axmed (Wacays) waxaa da’diisa lagu qiyaasay horraanta kontomeeyada, wuxuuna golaha deegaanka ee magaalada Burco xubin ka noqday markii ay dhacday doorashadii isku sidkanayd ee Somaliland laga qabtay 2021.
Maayirka cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa labada ah qurbo joog dalka dib ugu soo laabtay.